Skip to content

Uqalmida

Ma xiiseynaysaa inaad la-taliye noqoto ama in lagula la-taliyo? Fiiro shuruudaha hoose si aad u oggaato inaad u qalanto inaad noqoto la-taliye ama qof lala taliye!

Dadka lala talinaayo

Codsadayaasha raba la-talinta AMP waa inay kasoo baxaan shuruudahaan:

  • Cudurka ootasim (waa inay awoodaan inay keenaan caddeyn ah inay qabaan cudurka)
  • Waa inay jiraan 14-22 sano
  • Ku hadlida luuqada Ingiriiska (waa inay qori karaan, ku hadli karaan, ama Habka xiriirka dadka baahiyaha xiriirka qaba (Augmentative and Alternative Communication, AAC))*
  • Waa inay ku nool yihiin aagga 7-da degmo ee Twin Cities (Degmada Anoka, Carver, Dakota, Hennepin, Ramsey, Scott, ama Washington)
  • Waa inay heli karaan kumbuyuutar/taableet/taleefan/iwm. oo leh khad la isku haleyn karo
  • Waa inay awoodi karaan inay waqti u helaan kulanka qofka la-talinta bixinaaya oo lagu qabanaayo aalada Zoom muddo 1 saac ah asbuucii inta lagu jiro sanad dugsiyeedka soo socda
  • Waa inay awoodaan oo ay rabaan inay ka qaybqaataan qiimaynta daraasada AMP ee xiriirka la leh Jaamacada Minnesota inta lagu jiro wareega barnaamijka 2022-2023

Haddii adiga ama dhallintaadu kasoo baxaan shuruudaha kore, halkaan ka codso!

Dadka Bixiya La-talinta

Dadka bixiya la-talinta ee codsanaaya AMP waa inay kasoo baxaan shuruudahaan:

  • Cudurka ootasim (waa inay awoodaan inay keenaan caddeyn ah inay qabaan cudurka)
  • Waa inay jiraan 18+ sano
  • Ku hadlida luuqada Ingiriiska (waa inay qori karaan, ku hadli karaan, ama Habka xiriirka dadka baahiyaha xiriirka qaba (Augmentative and Alternative Communication, AAC))*
  • Waa inay ku nool yihiin aagga 7-da degmo ee Twin Cities (Degmada Anoka, Carver, Dakota, Hennepin, Ramsey, Scott, ama Washington)
  • Waa inay heli karaan kumbuyuutar/taableet/taleefan/iwm. oo leh khad la isku haleyn karo
  • Waa inay awoodaan inay waqti u helaan kulanka qofka la-talinta raba oo lagu qabanaayo aalada Zoom muddo 1 ilaa 1-1/2 saac ah asbuucii inta lagu jiro sanad dugsiyeedka soo socda
  • Waa inay awoodaan oo ay rabaan inay ka qaybqaataan qiimaynta daraasada AMP ee xiriirka la leh Jaamacada Minnesota inta lagu jiro wareega barnaamijka AMP 2022-2023

Haddii aad kasoo baxdo shuruudaha kore, codsi inaad noqoto la-taliye! La-taiyaashu waxay heli doonaan khidmad lagu siinaayo qayb ka noqoshadooda barnaamijka AMP.

 

*Inkastoo aanan waqti xaadirkaan qaadan karin dadka aan ku hadlin Ingiriiska, waxaan rajaynaynaa inaan sidaas sameyno mustaqbalka.